Waa Kuma Dr. Cabdullahi Cali
Dr. Abdullahi Ali waxa uu kudhashay magalada kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, qeyb kamid ah nolashiisa waxaa uu kuso qaatay magalada kismayo halka qeyb kalana uu ku qaatay magaalada Faafxadhuun ee gobolka Gedo. Kadib waxaa uu so maray miyiga oo ogu dambeyn kasoo galay xeryaha Qoxotiga ee Dhadhaab. Kadib waxaa uu dagay magalada Nairobi si usii hormarmariyo waxbarashadiisa isagoo halkas ooga sii waregay cariga Mareykanka gaar ahaan gobolka maine oo uu mudo 15 sana ah ku nolaa Dhanka wax barashada waxa uu shahaadad koobaad ee Jaamacada kabilaabay magalada Nairobi kadibna waxuu kadhameystiray heerka koobaad ee jaamacada wadanka mareyka isaga oo qaatay shahaadada Social Science iyo Economics (Culuumta bulshooyinka iyo Dhaqaalaha) Dr. Abdullahi waxa uu waxbarashadiisa heerka master ka ka billabay jamacada kutaalo dalkas mareykanka ee Konforta New Hampshire (Southern New Hampshire University) waxaa uuna ku bartay culumta cadaaladda (Justice Studies) oo takhasuskiisa uu ahaa waxa la yiraahdo Maamulka Guud (Maamulka Guud) oo si khaas ah u kulminaayo wada shaqeynta sadaxda ha'yadood ee dawlada wa fulinta, Garsoorka iyo sharci dejinta (Executive, Judiciary and Legislature). Intaas kadib Dr. Abdullahi waxa uu jamacada Souhern Maine ku taalo magalada portland ka qaatay PHD oo takhasuuskiisa yahay Public Policy. Dr. Abdullahi waxa uu leeyahay khibrad shaqo oo mudo 24 sano ah kudhaw, waxaa uuna kaso shaqeyay xeryaha Qoxotiga isago mudo uso shaqeyay Hay'adaha ka hawlgalo Qoxotiga. Intii uu jogay Nairobi waxa uu u shaqeyay hay'ad samafal oo uu u xilsaaraa wadamada somalia iyo sudan. Dr. Abdullahi markii uu u waregay mareykanka waxaa uu ka shaqeyay hawlo samafal oo kala duwan. Sanadakii 2015 ayuu aas aasay hay'ad lagu magacaabo Gateway Community Services oo kashaqeyso hawlaha samafalka adeegya kala duwana siisa dadyowga so galotiga ah iyo kuwa wadanka udhashay. Dr Abdullahi aya sanadkii 2019kii kamid noqday 50ka qof ee oogu saameynta badan gobolka Maine kadib adeegyo wanagsan oo ay hay'ada Gateway ay ka fulisay gobolkaas. Kadib markuu socdaal kuyimid Geeska Africa ayuu Dr Abdullahi aas aasay hay'ad lagu magacaabo Nurture All Afric si ey ugu adeegto bulshooyinka gobolka. Sanadkii 2021 waxaa uu Dr. Abdullahi ku guuleystay abaalmarinta loo yaqaano Metamorphosis for “Visionary Leadership” ee la siiyo dadka gobolka Maine kusoo kordhiyay hogaan aragti dheer leh. Sanadkii 2022 Dr. Abdullahi waxuu markale ku guuleystay abaalmarinta loo yaqaano “Black Excellence Award” ee lasiiyo dadka madoow ee layimid hoogaan wax ku ool ah una dooda xuquuqda dadka madow. Dr. Abdullahi Ali marka laga yimaado hawlahas hadana wa ganacsade maamulo ganacsiyo gaar ah oo uu isagu si gaar ah u leeyahay. Sidookale kale Dr Abdullahi waxaa uu hormuud ka ahaa aas aaskii Xisbi siyaasadeedka Somaliyees ee TUSMO oo kadhigan “Thriving and United Somalia Moving Onward”. Dr. Abdullahi waxaa uu umuqdaa aqoonyahan ay ka go’antahay wax kabadalka noolasha dadyowga uu la noolyahay ee cariga mareykanka iyo bulshada Somaaliyeed melkasta oo ay joogtaba.