ILAYSKA JUBALAND EE MUSTAQBALKA

Dr. Cabdullaahi Cali Musharax Madaxweynenimada Jubaland

2024 - 2028

Maamulkayga waxuu kashaqayn doonaa

1.

Midnimdada Jubaland iyo Qaranimada Somaliya

  • I. Dhiirigalinta wada lahaansha iyo midnimada qaran ee ka dhaxeysa shacabka Jubaland
  • II. Kobcinta dhaxalka dhaqan iyo waxa ay wadaagaan shacabka Jubaland si loo xoojiyo dareenka lahaanshiyaha iyo midnimada
2.

Sinaanta iyo wax wada qaybsi

  • I. Hubita maamul loo dhan yahay oo matala dhammaan muwaadiniinta, oo ay ku jiraan dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada la haybsooco.
  • II. Hirgelinta siyaasado kor u qaadaya sinnaanta iyo caddaaladda, oo siinaya fursado siman dhammaan.
3.

Amaanka iyo Deganaanta Dowlad Goboleedka

  • I.Dhisida heyado amni oo aad u tayeysan si loola dagaallamo Al-Shabaab iyo khatraha gudaha ee kale.
  • II. Aasaasida ciidan amni oo xirfad leh lalana xisaabtami karo kuwaas oo ka madax bannaan saameynta kooxeysiga iyo qabiilka
4.

Hormarinta Dhaqaalaha iyo Warshadeynta.

  • I. Kor u qaadida ganacsiga iyo hal-abuurka si loo kiciyo kobaca dhaqaalaha loona abuuro shaqooyin.
  • II. Aasaasida aagagga warshadaha iyo maal galinta ilaha muhimka u ah kobaca dhaqaalaha si looga faa'ideysto kheyraadka dabiiciga ah ee Jubaland.
5.

Waxbarashada iyo tayeynteeda

  • I. Maal gelinta waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha si loo awood siiyo dhalinyarada loona kobciyo horumarka shakhsiyadda.
  • II. Hirgelinta waxbarasho bulsheed oo dhammeystiran si loo beero muwaadiniin xilkas ah oo firfircoon.
6.

Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada

  • I. Fududeenta helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh oo loo dhan yahay, iyadoo diiradda la saarayo ka hortagga iyo caafimaadka bulshada
  • II. Hormarinta kaabayaasha iyo adeegyada caafimaad si ay ooga faa'ideystaan dhamaan reer Jubaland.
7.

Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.

  • I. Maal gelinta kaabayaasha isku socodka gaadiika iyo isgaarsiinta si loo xoojiyo isku xirnaanta iyo kabaca dhaqaalaha.
  • II. Horumarinta dakadaha, waddooyinka, iyo kaabayaasha duulista si loo fududeeyo ganacsiga loona hagaajiyo helitaanka adeegyadaas..
8.

Tamarta iyo Deganaanshaha Dhaqaale

  • I. Ballaarinta helitaanka korontada, gaar ahaan iyada oo loo marayo ilaha tamarta la cusboonaysiin karo sida qoraxda, dabaysha, iyo tamarta biyaha
  • II. Kor u qaadida dhaqamada ilaalinayo kheyraadka dabiiciga ah si ay ayaguna ooga faa'ideystaan jiilasha mustaqbalka.
9.

Dowladnimada iyo isla xisaabtanka

  • I. Kor u qaadida hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo u hoggaansanaanta sharciga dhammaan dhinacyada maamulka.
  • II. Xoojinta hay'adaha dowlada iyo in awood la siiyo bulshada rayidka ah si hubiyo dhaqangalka maamul wanaagsan iyo kalsoonida dadweynaha.
10.

Dib u eegidda Dhulka iyo Maareyntiisa.

  • I. Dhaqangelinta dib-u-habeyn dhameystiran xaga diiwaan gelinta dhulalka si loo helo hufnaan iyo khilaafaadka dhulalka oo yaraada.
  • II. Ka shaqeyta hormarinta magaalooyinka ayadoo la hubinayo in loo sinaado helida dhulalka.